Xafiis qareen Umeå, Skellefteå Boden – Qareen Ann Bergström

Ku soo dhawow Qareen Ann Bergström
Xafiiska qareenku waa mid ka mid ah xafiisyada ugu horumarsan waqooyiga Iswiidhan ee kiisaska ciqaabta, arrimaha qoysaska iyo arrimaha magangelyada. Qareen Ann Bergström waxay ka talisaa danaha macaamiisheeda oo waxay macaamiisheeda wakiil uga ahayd dhawr kiis oo xiiso bulshada u yeeshay. Waxay inta badan ka shaqeysaa Västerbotten iyo Norrbotten laakiin waxay, kiisaska ay takhasuska u leedahay, macaamiisheeda wakiil uga tahay dalka oo dhan. Xafiiskeeda dhexe wuxuu ku yaalaa Umeå, waxayse iyana xafiisyo ay dadka ku qaabisho ku leedahay Skellefteå iyo Boden.

Dad badan ayaa mar uun intay nool yihiin la kulma xaalado ay u baahdaan talo sharci. Qareen Ann Bergström waxay macaamiisheeda garab taagan tahay muddada uu kiiskoodu socdo oo dhan, waxayna u shaqeysaa in la helo maxsuulka ugu wanaagsan ee suurogalka ah.

Marar badan dawladda ayaa bixisa dhammaan ama qayb ka mid ah kharashka ku baxa shaqada qareenka, mararka qaarkoodna waxaa jira fursado lagu heli karo in shirkadda caymiska guriga macaamiilka ay bixiso gunnada ilaalinta sharciga. Xiriirka iyo talabixinta hordhaca ahi had iyo jeer waa bilaash.

Qareen Ann Bergström waxay ku hadashaa af-ingriisi wanaagsan, haddiise afkaaga hooyo uusan ahayn iswiidhish ama ingriisi turjumaan ayaa laguu dalbayaa. Ann Bergström khibrad ballaaran ayey la shaqayn turjumaan u leedahay.

Kiisas ciqaab (difaace iyo wakiil sharci dhibbane)
Badanaa haddii dembi lagugu tuhmo waxaad xaq u leedahay difaace dawladeed. Haddaadan xaq u lahayn difaace dawladeed, waxaad had iyo jeer xaq u leedahay inaad iskaaga difaace adiga kuu gaar ah qabsato.
Qareenka difaacaha hawshiisu waxay tahay inuu ilaaliyo xuquuqda tuhmanaha inta lagu jiro dembibaarista iyo dhageysiga weyn ee maxkamadda, hadduu kiiska halkaas gaaro. Waana muhiim in sida ugu dhakhsaha badan difaace loo helo oo la magacaabo.

Xaq ayaad u leedahay inaad doorato qofka aad dooneyso inuu difaace dawladeed kuu noqdo. Dawladda ayaa bixisa kharashka ku baxa shaqada difaacaha dawladeed. Haddaadan ku qanacsanayn kan laguu magacaabay, mar kasta waad codsan kartaa in lagaa baddelo. Haddii eedeysanaha uu xukun ku dhaco waxaa mararka qaarkood dhici karta, iyadoo hadba loo eegayo duruufihiisa dhaqaale, in lagu waajibiyo inuu dib u bixiyo dhammaan ama qayb ka mid ah kharashka difaaca.

Qareen Ann Bergström khibrad dheer ayay u leedahay shaqada difaaca.

Haddaad tahay qof dembi laga galay, waxaad inta badan xaq u leedahay kaaliye dhibbane. Waa qareen danahaaga ilaalinaya inta lagu jiro dembibaarista iyo dhageysiga weyn ee maxkamadda, hadduu kiiska halkaas gaaro. Wuxuu iyana kaa caawinayaa dalabka magdhowga la xiriira dambiga lagaa galay.

Xaq ayaad u leedahay inaad doorato qofka aad dooneyso inuu kaaliye dhibbane kuu noqdo, waana muhiim in sida ugu dhakhsaha badan kaaliye dhibbane loo helo oo la magacaabo. Dhibbanaha wax kharash ugama baxaayo shaqada kaaliyaha dhibbanaha.

Qareen Ann Bergström khibrad ballaaran ayay u leedahay shaqada ah inay dhibbane matesho, siiba dumarka iyo carruurta guryahooda lagu dilo ama xadgudub galmo loo geysto.

Ku soo dhawoow inaad qareen Ann Bergström talobixin u soo xiriiriso. Had iyo goor fursad ayaad u leedahay inaad Ann Bergström u dalbato difaace dawladeed ama kaaliye dhibbane. U bandhig dalabkaaga booliska oo iyagaa maxkamadda hoose u sii gudbin doona.

Kiisaska arrimaha qoysaska
Mararka qaarkood, hawsha furniinka inta lagu gudo jiro ama marka la dhammeeyo ka dib, way adkaan kartaa in carruurta la isku dhalay lagu heshiiyo. Taasi waxay khusayn kartaa mas’uulyadda ilmaha, halka ay ilmuhu degganaanayaan ama xuquuqda ilmaha ee la kulanka waalidka aysan la degganayn.

Qaybta ugu weyn kharashka qareenka waxaa badanaa daboola gunnada ilaalinta sharciga ee caymiska guriga. Haddii kale waxaa suurogal ah in la codsado kaalmo sharci laakiin markaas waa in waalidka duruufihiisu dhaqaale ay yihiin kuwo u saamaxa inuu xaq u yeesho kaalmada sharciga ee ay dawladdu bixiso. Ann Bergström waxay kaa caawineysaa codsiga gunnada ilaalinta sharciga ama kaalmada sharciga.

Qareen Ann Bergström khibrad dheer ayay u leedahay shaqada ah inay waalidiin ka matesho kiisaska madaniga ee la xiriira mas’uulyadda, degaanka iyo kulammada ilmaha.

Kiisaska arrimaha ajaanibta
Haddii aad tahay magangelyodoon ama haddii aad Iswiidhan joogto oo aad khatar ugu jirto masaafurin ama dib-u-celin, waxaad xaq u leedahay wakiil sharci oo adiga ku matala. Dawladda ayaana bixineysa kharashka ku baxa wakiilka sharciga. Xaq ayaad u leedahay inaad iskaaga doorato qofka aad doonayso inuu wakiil sharci kuu noqdo, waana muhiim inaad doorato qareen khibrad dheer u leh kiisaska noocaan ah. Waxaad markasta ogeysiin kartaa Laanta Socdaalka inaad doonayso qareen Ann Bergström inay noqoto wakiilkaaga sharci.

Qareen Ann Bergström khibrad dheer ayay u leedahay inay magangelyodoonka iyo dad kaleba ka matesho kiisaska la xiriira arrimaha sharciga deganaashaha. Waxay xitaa kiisas geysay Maxkamadda Yurub (Maxkamada Yurub ee Xuquuqda Aadanaha).

Wakiil sharci ee arrimo kale kaa tiiriya
Xitaa kiisas kale ee aan ahayn kuwa kor ku qeexan, ayaa laga yaabaa in aad xaq u yeelato wakiil sharci ay dawladdu lacagtiisa bixineyso. Kiisasku waxay tusaale ahaan khusayn karaan xaalado uu maamulka bulshadu galo arrin ah inuu ilmo la wareego ama gaaro go’aan ah in qof weyn khasab lagu daryeelo. Qareen Ann Bergström xaaladahaas xitaa way kaa caawimi kartaa waayo waxay khibrad u leedahay inay dadka weyn iyo ilmahaba ka matesho kiisaska daryeelka khasabka ah.

Ha ka laballabayn inaad la xiriirto qareen Ann Bergström si aad uga hesho talo sharci oo bilaash ah!

Kontaktformulär

  • Detta fält används för valideringsändamål och ska lämnas oförändrat.

Vill du bli uppringd?